Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Mac-hadka Heritage oo soo Bandhigay 4 Qaab Doorasho oo Dalka lagu qaban karo 2020-ka. [Akhriso]

    Mac-hadka Heritage oo soo Bandhigay 4 Qaab Doorasho oo Dalka lagu qaban karo 2020-ka. [Akhriso]

    July 7, 2019Updated:July 8, 20195 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, xaruntiisuna tahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay talo soo jeedin ku saabsan qaabka ugu haboon ee loo qaban karo Doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya sanadka 2020, haddii ay socon weydo hanaanka qof iyo cod ah.

    Daraasaddan oo ay sheegtay hay’adda Heritage inay socotay muddo sideed bilood ah ayuu agaasimaha hay’adda C/rashiid Khaliif Xaashi inay ku soo bandhigeen qaababka doorasho oo ay soomaaliya qaadan karto sanadka 2020-ka, waxayna ka kooban tahay 4 qaab oo doorasho.

    Agaasimaha Hay’adda Heritage ayaa sheegay inay soo baxday arrimo ay ka mid yihiin:

    1- Inay adag tahay doorasho Qof iyo Cod ah inay dalka ka dhacdo

    2- Inaysan habooneyn xilli kororsi iyo waqti loogu daro dowladdda hadda jirta

    3- In waqtiga haray laga heshiiyo Nooc Doorasho oo la isku waafaqo.

    4- Hab qaab doorasho oo ay soo bandhigeen

    Qaababka doorasho ee ay Soomaaliya 2020-ka qaadan karto Caddeymaha aan kor ku soo xusnay waxa ay tibaaxayaan in Soomaaliddu ay leedahay taariikh iyo khibrad ku filan markii ay noqoto xulashda ama doorashadda siyaasiyiinta. Waxa ay sidoo kale tusmeyneysaa in uu jiro horu-u-socod ku aadan dhanka doorasha qof iyo cod.

    Hase-ahaatee, ka hor 18-ka bilood ee ka harsan xilliga Madaxweyne Farmaajo, waxaaa jira su’aalo laga keenay dadaal la’aanta ka jirta in la qaado talaabooyin cad cad oo keeni kara in ay dhacdo doorasho dalkoo idil ah. Run ahaantii, waxaa labbo sano ka hor soo ifbaxday in doorasha qof-iyo-cod ah aysan suurtagal ka ayan dalka, kaddib markii guddmooyihii hore ee Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari uu warqad u diray Agaasimaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliyeed, Xaliimo Ismaaciil, taas oo looga dalbaday in ay soo gudbiyeen arrimaha loo baahan yahay in la helo si dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.

    Guddiga oo ka jawaabaya sagaalkii su’aalood ee Gudoomiyaha baarlamanka, ayaa arrimaha loo baahan yahay in wax laga qabto si ay doorasho u dhacdo ku tilmaamay: in amaanka wax laga qabto, in ay heshiis siyaasadeed gaaraan saamileydda siyaasadda, dib u eegis in lagu sameeyo dastuur iyo in baarlaamanka Soomaaliya uu ansixiyo 7 sharci oo ay ka mid yihiin; Sharciga doorashadda, sharciga axsaabta, sharciga la dagaalanka musmuqmaasuqa iyo sharciga jinsiyadda.

    Waxaa intaas dheer in Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka uu sheegay inuu u baahan yahay lacag ka badan 130 milyan oo dollar, ama afartan boqolkiiba miisaaniyadda dalka, iyo 500 oo shaqaalo, taas oo u dhiganta 10% shaqaalaha rayidka, si loo qabto doorasho qof iyo cod ah.

    Amaanka guud ee dalka ayaa sii cakirmay labbadii sano ee la soo dhaafay, toos oo sii adkeysay in doorasho dalka ka hirgasho. Sidoo kale, guddiga doorashooyinku waxa uu ku qiyaasay lacagta loo baahan yahay si doorasho ay u dhacdo 130 milyan, oo la mid ah 40% miisaaniyadda dowladda iyo ku dhawaad 500 shaqaale ka shaqeeya doorashada si loo hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

    Dhanka kale amniga dalku waa uu ka sii daray labadii sano oo la soo dhaafay, taas oo keenaysa in la sawirto in ay dhici karto doorasho amni ah. Dowladdu awood uma lahan in ay iska bixiso dhaqaalaha loo baahan yahay si doorasho loo qabto. Waxaa intaa dheer, in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo kala saari karta haddii la isku khilaafo natiijadda doorashadda, sharci ahaanta xeerka iyo guud ahaan arrimaha la xariira khilaafka shuruucda ee dhex mari kara hay’adaha dowladda.

    Sidoo kale, waxaa arrin taagan noqotay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyadda iyo saamileydda kale ee siyaasaada. Seddex maamul goboleed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo axsaabta dalka oo labo ka mid ah ay horumuud ka yihiin labo madaxweyne oo hore ayaa si bareer cad u dhaliilay hanaanka ay dowladdu u wajahayso doorashooyinka 2020-ka.

    Machadka Heritage isaga oo arrimahaas kore oo dhan maanka ku haya, waxa uu soo bandhigayaa hannaan doorashooyin dhowr ah oo Soomaaliya kala dooran karto.

    Waloow noocyo doorasho oo kale ay jiri karaan, haddana afarta qaab-doorasho oo aan halkaan ku soo gudbinayno waa kuwo wax ku biirin kara doodda ka socota 2020-ka Soomaaliya sidii doorasho dadka iyo dalka u cuntanta ay uga dhici lahayd, gaar ahaan dooroasho la hirgelin karo, lawada aqbli karo, la awoodo, caddaaladna ku salaysan. Machadka Heritage waxa kale oo uu dejiyey 7 halbeeg ama shuruud oo hab-doorashadii ay qaadanayso Soomaaliya loo baahan yahay in ay buuxiso.

    Hababka doorasho ee afarta ah, sida ay u kala buuxiyaan shuruudaha ayayna ugu kala dhaw yihiin in doorashadu ay tahay mid hufan:

    1. Nooc doorasho kasta oo la qaato waa in uu noqdaa mid aan xaalka Soomaaliya uga darin. Sidoo kale, waa in hannaankaas doorasho aanu horseedin qalalaaso ka dhax aloosma bulshada Soomaaliyeed, aysan dib u celin horumarradii soo socday ilaa sanadkii 2000.

    2. Nooc doorasho kasta oo la qaato 2020, waa in ay jidka u xaarto doorsho qof-iyo-cod ah oo dhacda doorashadan midda xigta. Doorashooyinkii la soo dhaafay waxa ay dalka u siqinayeen dhanka doorasho xor iyo xalaal ah, doorashada 2020-kana sidaas ayaa looga fadhiyaa.

    3. Nooc doorasho kasta oo la qaato, waa in uu ilaaliyaa doorka dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay. Hoggaanka siyaasadeed waa in ay ku faanaan in dumarka Soomaaliyeed ay yihiin baarlamaanka ku leeyihiin qoondo 30% ah, taas oo aan kaga horeyno dowladdo badan oo dhanka dimuquraadiyadda horumar ka ah. Sidoo kale, beelaha laga badan yahay waa in ay helaan matalaad macno leh.

    4. Nooc doorasho kasta oo la qaato, waa in uu noqdo mid ku salaysan axsaabta siyaasadda. In xisbiyo loo gudbo, waa jidka ugu wanaagan ee lagu gaari karo dimuquraaddiyad buuxda. Sidoo kale ku shaqaynta xisbiyadu waxa uu dhidibadda u aasayaa in uu abuurmo nidaam furfuran, xor ah, aanna ku salaysnayn hayb ee ku salaysan aragti.

    5. Nooc doorasho kasta oo la qaato, dadka ka qeyb qaadanaya doorashadaas waa in ay noqdaan dadka ugu badan ee codayn kara, si loo yareeyo musuqmaasuq, loogana dhigo maxsuulka tartanka ka soo baxa, mid loo dhan yahay ama haysta taageero badan oo muwaadiniinta ah;

    6. Nooc doorasho kasta oo laga qaato afarta hannaan ee aan soo jeedinney waa in la hirgelin karo waqtiga kooban ee la haysto;

    WARBIXINTA OO DHAN HALKAN KA AKHRISO

    Doorashada 2020 Hannaanka Doorashada 2020 Machadka Heritage Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo Dowladda Somalia uga digtay faragelin ay ku sameyso Doorashada Jubaland [War Culus]
    Next Article Alshabab oo Xukun Dil ah ku fuliyey Haweeney lagu eedeeyay Basaasnimo & 2 Qof oo kale [Akhriso Magacyada]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo