Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa si kulul uga hadlay hab-dhaqanka xukuumadda Soomaaliya ee saxafiyiinta, isagoo sheegay inay tahay xukuumadii ugu xumeyd ee ay la macaamilaan.
Macalimuu ayaa shgeegay in wariyeyaasha ay halis weyn kujiraan, iyadoo dowladda aanay wax tallaabo ah ka qaadin kuwii dilka bareerka ah u geystay, kuna heyso hanjabaadyo, qaar kalena ay laaluush siiso oo mushaar u qortay.
Xoghayaha NUSOJ Macalimuu ayaa caddeeyay inay khatar weyn ay soo wajahday xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda hadda jirta inay xabsi sharci darro ah kula kacdo saxafiyiinta fekerkooda cabira ee ka hadla arrimo lid ku ah dowladda.
Macalimuu ayaa ka hadlayey shir jaraa’id iyadoo ay hareeraha ka taagnaayeen waalidiinta weriya Nuur Ismaaciil Sheekh oo muddo 7 maalmood ah u xiran dowladda Soomaaliya iyadoo aan dembi lagu soo oogin, iyadoo loo diiday waalidkiisa inay arkaan.
Hooyada dhashay weriyaha Nuur Ismaaciil Sheekh oo lagu magacaabo Madiina Xaaji Cali ayaa sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aanay ogeyn waxa loo xiray.
HOOS KA DAAWO