Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xaafado ka mida magaalada Muqdisho.
Hoobieyeyaashan ayaa la sheegay inay ku dhaceen degmada Wadajir xaafado kamida degmada ayna ku dhaawacmeen dad shacab ah. xaafadaha ay ku dhaceen waxaa kamida Buuloxuubey, halkaasoo la xaqiijiyay in 2 qof ay ku dhaawacmeen.
Lama oga halka hoobiyeyaasha laga soo tuuray, laakiin warbaahitna Alshabaab ayaa sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah ay ku qaadeen xerada Xalane ee AMISOM.
Wadani.com