Golaga Badbaado Qaran ee ay ku mideysan yihiin dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaya siyaasiyiinta Waqooyiga ayaa digniin kulul kasoo saaray muddo kororsiga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
War-saxaafadeed ay Caawa soo saartay Madasha ayaa lagu sheegay inay si adag uga horjeedo Mudo kororsiga oo ay sheegeen inuu yahay qorshe lagu xoojinayo Keli-talisnimada, laguna caraqaladeynayo Doorasho dalka ka dhacda.
“Madashu waxay caddeyneynsaa inaysan Gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga lagu caraqaladeynayo Doorashooyinka, laguna khalkhal gelinayo xasiloonida, Dimoqraadiyadda iyo horumadrka dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Madasha Badbaado Qaran.
Waxay MBQ u digtay guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh oo 5 xildhibaan ka joojiyey Baarlamaanka, ciidamada u dhiibay liiska, iyagoo sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu shaqsi ahaan u qaadi doono Maxamed Mursal.
“Madashu waxay canbaareynaysaa go’aanka sharci ku tumashada ah ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabku uga hor istaagayo 15 xildhibaan ka qeybgalka kulamada Golaha, iyo qalqal gelinta amnigooda shakhsiga ah”.


