Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha Midnmada iyo Dimoqaraadiyada oo uu hogaamiyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed ayna ka mid ahaayeen xildhibaanno, xisbiyo siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray qaab talo soo jeedin ah oo qeexaya sidii Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho xor ah.
Guddoomiyaha Madasha Midnmada iyo Dimuqaraadiyada Dr. C/weli Sheekh shirka ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii dalka looga samata-bixin lahaa xaaladda uu haatan dalku ku jiro ee dhinac waliba. wuxuuna intaas ku daray in sida ku cad hiigsiga 2016 ay qasab tahay inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo ay dadweynahu ka qayb-galaan, wuxuuna dalbnaday in doorashadaas aan laga warwareegin qabashadeeda si loo helo kalsoonida sharcabka iyo xasiloonida.
Guddoomiye ku xigeenka Madasha Dr. Cabdiraxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow) ayaa isna shirka ka sheegay in Soomaaliya ay galayso xilli la rabo in laga guuro siyaasadda beelaha ku dhisan loona guuro doorasho iyo dimuquraadiyad salkeeduna yahay dhaqankeenna suuban iyo diinteenna Islaamka, isagoo yiri shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay u bislaadeen nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
[ad name=”HTML-2″]
Madasha Midnimada iyo Dimuqoraadiyadda waxay soo jeedisay qorshe doorasho oo ku haboon in dalka laga hirgeliyo kaddib markii ay la kulmeen khubaro isugu jira Soomaali iyo Ajnabi qaabkaas oo ah in Soomaaliya ay ku haboon tahay in laga hirgeliyo nidaamka doorashada qeyb-qeybta ku dhisan ee loo yaqaan (Proportional Representation) taasoo micnaheedu yahay in xisbiyada ku tartamaan codadka dadweynaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku nool iyagoo soo gudbinaya liiska magacyada musharixiintooda xilka ku tartamaya, xubinnimada Baarlamaanka, xisbi kastana wuxuu helayaa xildhibaano u dhigma tirada codadka uu ka helo marka la isku daro codadka doorashada oo dhan.
Waxayna talo soo jeedintooda u sababeeteen in doorashada qaabkan ah aysan ahayn mid u baahan in dadka oo lasoo tiriyo ma la tira koobo, degmooyinka la qeexo & inuusan u baahnayn in loo qaybiyo degmooyinka tirada kuraasta baarlamaanka.
Waa talo soo jeedintii ugu horeysay uguna muhiimsaneyd ee tilmaan ka bixineysa hiigsiga cusub iyo halka ay Soomaaliya u socoto, inkastoo aan la ogeyn inay dowladda federaalka taladan qaadan doonto iyo in kale haddana waa shaqo loo sii qabtay iyo tilmaan u ifineysa shaqada looga fadhiyo mustaqbalka dhow.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]