Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Madasha Qaran oo Go’aan cusub kasoo saartay xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare [Akhriso]

    Madasha Qaran oo Go’aan cusub kasoo saartay xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare [Akhriso]

    December 29, 20162 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida ayaa war cusub oo ka soo saartay xubnaha ay ku kordhisay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

    Qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay 18-kii xubnood ee lagu kordhiyay Aqalka sare inta laga dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana Ra’iisal wasaaraha codsi degdeg ah u diro Baarlamaanka si wax looga bedelo Dastuurka qodobkiisa 72-aad.

    Arrintan ayaa timid kadib markii Beesha caalamka ay ka hor timid kordhinta Madasha Qaran kuna tilmaantay mid sharci darro ah, waxaana muuqata in madaxda Madasha ay ugu danbeyn u hogaansameen cadaadiska beesha caalamka.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADASHA

    1. MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay Munaasabadda kulanka Kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare isla markaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey. Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii Golaha sharcidejinta Qaranka Cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.
    1. Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee Dawlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
      3. MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen:
    1. In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
    1. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.
    1. Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.
    Aqalka sare Madasha Qaran Qoraal madasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Sida Beelaha Soomaaliyeed loogu qeybiyay 18 kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare
    Next Article AKHRISO: War-saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Dadban

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo