Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tirada ciidamada Kenya ee lagu dilay weerarkii Ceelcade 15-kii Bisha Janaayo ee sanadkan ay ku dhaxeeyaan 10-200 askari.
Wareysi uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh telefishanka Somali Cable oo dheeraa ayuu ku shaaciyay tirada ciidamada Kenya looga dilay Soomaaliya iyadoo dowladda dalka Kenya ay ka gaabsatay inay shaaciso tiradaasi ku dhowaad laba bilood oo laga sugayay.
Lama oga sababta madaxweynaha Somalia u shaaciyay arrintan oo Kenya ay ka carootay, waxaana si degdeg uga jawaabay afhayeenka ciidamada Kenay David Obonyo oo sheegay askarta laga dilay Kenya aan la yareysan karin, wuxuuna beeniyay tirada madaxweynaha Somalia sheegay isagoo sheegay badbadiyay oo ka badan xadkii hore loo sheegay.
Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay inuusan weli ka hadlin tirada dhimashada ciidanka, iskan fogeynayo hadalada la sheegay, cidna walibana ay saameyn ku yeelatay arrintan. “Tirada uu sheegay madaxweynaha Somalia waa ka fog tahay qiyaasteena” ayuu yiri David Obonyo.
HOOS KA DAAWO WAREYIGA MADAXWEYNAHA EE SOMALI CABLE
GOOBJOOGE.COM