Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe ay ku sameynayaan xisbi siyaasadeed oo ay ku galaan doorashada 2020-ka oo laba sano ay ka harsan tahay.
Qorshahan oo in muddo ah la hadal hayay ayaa waxaa xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaaciyey in arrintan ay qeyb ka tahay in dalka doorasho qof iyo Cod ah la gaarsiiyo, sida uu yiri.
“Xisbiyada qaar ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadda looga fadhiyo in ay xisbi dhistaan laakiin waxaan soo wadnaa xisbi weyn uu hoggaamin doono hoggaamiye daacada ah oo dadku wada jecel yihiin ee farmaajo,waxan u sheegaya xisbiyada kale in uusan barqo cad wada uga tegine ee ha iska jiraan..” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u sii digay xisbiyada kale.
Wararka ayaa sheegaya in halheykii doorashada ee madaxweyne Farmaajo ee ahaa “Nabad iyo Nolol” uu noqon doono magaca uu yeelanayo xisbiga ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ee ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Inkastoo shaki weyn laga muujinayo suuragalnimada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacay Soomaaliya sanadka 2020-ka, waxaa hadana weli socda diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee sida KMG ah loo sameeyay.