Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa hambalyada Ciidul Adxaa oo ku beegan Berri si kala gaara ugu diray shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u mariyey warbaahinta dowladda.
Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa, isagoo yiri: “Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna.. Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, dawladda Soomaaliyeedna waxaa ka go’an inay u fududeyso muwaadiniinteeda gudashada waajibaadka Xajka.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isna guud ahaan umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.
“Waxaan guud Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa,waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo ah” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhinaciisa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.
“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa. Waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo sii raaciyey:
“Waxa aan rabaa in munaasabadan aan uga faa’iidaysto maalintan barakaysan muhiimmada ay u leedahay in lees cafiyo, kulligeen gacmaha is qabsanno, soo celinno dawladnimada, ka wada shaqayno amniga iyo xasiloonida, dib-u-heshiisiinta iyo muhiimmadda ay leedahay in aan isla xisaabtanno oo meel uga soo wada jeesanno musuqmaasuqa”.