Shirkii Madaxda Madasha Qaran ee Soomaaliya ayaa galabta gelinka dambe ka furmaya magaalada Baydhaba, iyadoo ay halkaasi gaareen inta badan madaxda shirkaasi ka qeyb galeysa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhaba, iyadoo sidoo kale ay tageen madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug, waxaana goor dhow lagu wadaa inuu isna ka dego garoonka Baydhaba madaxweynaha Puntland.
Shirka oo la filayo inuu noqdo kii ugu danbeeya ee madaxda madasha Qaran ay yeeshaan ka hor inta aan la gudaha gelin qabanqaabada doorashada 2016 ayaa qodobada ugu waaweyn ee horyaala waxaa ka mida maqaamka Gobolka Banaadir.
Ammaanka magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo fara badan oo ka tegay Muqdisho iyo kuwa AMISOM ee ku sugnaa halkaasi ay magaalada oo dhan xireen.
Wadani.com