Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyn ayaa kulankooda uga wadahadley xaaladda amniga gobolka, la-dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane Geelle uga mahad celiyay doorka Djibouti ay ku leedahay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, dalkiisuna uu mar walba garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed.
SAWIRRO