Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay kulan doceed gaara oo dhex maray Ra’iisal wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka Farmaajo iyo Abiy Ahmed looga hadlay xiriirka labada, xaaladda Geeska Afrika iyo iskaashiga dagaalka lagula jiro argaixisada.
“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.
Farmaajo ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarka Ra’iisal wasaaraha iyo dowladda Itoobiya oo kusoo baxay Doorashooyinka muran ka dhashay xilli ay dalkaasi ka taagan tahay colaadii Gobolka Tigray.
