Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa khudbad ka jeediyay garoon ciyaareed oo ay dad soo buuxdhaafiyeen, wuxuuna wacad ku maray in uu u shaqayn doono dhammaan muwaadiniinta Zimbabwe.
Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu jagadan qabto.
Wuxuu ammaan kala dul dhacay madaxweynihii uu badalay Robert Mugabe, isaga oo ugu yeeray, Aabo, ababiye, nin ay ciidammada ka soo wada shaqeeyeen iyo hogaamiye, dadkii ayaana aad ugu sacabeeyay.
Mugabe ayaa si layaableh xafiiska u banneeyay ka dib 37 sano oo uu xukun kaligitalisnimo ah dadka ku maamulayay.
Xil katagitaankiisunu wuxuu dabo socday awood isku qabqabsasho horseeday in Mnangagwa laga eryo madaxweyne ku xigeennimadii, si wadada loogu xaaro in Grace Mugabe oo ah xaaska Mugabe ay xilka la wareegto.
Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.
Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas. Waxaa jira warar ka hadlaya in Mugabe loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaarayso boqolkiiba 90%.
“Waxaan rabnaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan rabnaa, shaqooyinka ayaan rabnaa” ayuu yiri Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare. Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.
Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sannadka dambe.
AKHRISO TAARIIKDA YAXAASKA SOO NOOLAADAY
Emmerson Mnangagwa oo lagu magacaabo; “YAXAASKA” wuxuu weligiis jeclaa inuu xilka madaxweynenimada ka badalo Robert Mugabe. Mugabe-na wuxuu u muuqday in uu sidaa la rabo, maalin ayuuna jagooyin sarsare ka siiyay xisbiga talada haya ee Zanu-PF iyo dawladdaba, taas oo dhalisay in la isla dhexmaro in Mnangagwa uu u yahay “dhaxal suge muuqda”, laakiin markii dambe ayuu baalasha ka rifay.

Wuxuu gacan ka gaysatay hagidda dagaalkii xornimada ee Zimbabwe ee 1970-yadii, intaas ka dibna wuxuu noqday madixii sirdoonnada intii uu socday dagaalkii sokeeye ee 1980kii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay. Wuu diiday in uu wax door ah ku lahaa, xasuuqa, wuxuuna ku eedeeyay milatariga.
Waxaa feker khaldan qofkii is leh madaxweynenimada Mnangagwa waxay keeni doontaa in ay soo afjaranto tacaddiyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah, dadka dhaliishanna waxay sheegeen in 71 jirkan uu gacmaha dhiig ku leeyahay.
Wuxuu ku magac dheer yahay “yaxaas” waana astaanta qabiilkiisa, laakiin si wanaagsan ayuu ugu haboon yahay magacaasi. Sidaas daraadeedna taageereyaashiisana waxaa loogu yeeraa “Lacoste”.
Waa kuma Emmerson Mnangagwa?
- Waxaa loo yaqaanna “yaxaas” sababtoo ah qabiilkiisa ayay astaan u tahay. Taageereyaashiisana waxaa loo yaqaannaa “Lacoste”.
- Tababar milatari ayuu ku soo kala qaatay Shiinaha iyo Masar.
- Wuxuu gacan ka gaystay hagidda dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii.
- Wuxuu madax u soo noqday sirdoonkii dalkaas intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee 1980yadii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay.
- Waxaa loo arkayay isku xiraha ciidammada, laamaha sirdoonka iyo xisbiga Zanu-PF.
- Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarro lagu qaaday taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008-dii ka dib.
Xiriirka uu Kongo la leeyahay
Mnangagwa wuxuu ku dhashay gobolka dhexe ee Zvishavane wuxuuna ka soo jeeda jilibka Karanga ee qawmiyadda Shona ee aqlabiyadda ka ah dalka Zimbabwe.
Karangas waa jilibka ugu ballaaran ee Shona dadka qaarna waxay u arkaan in ay tahay markoodii ay awoodda qaban lahaayeen, ka dib 37 sano oo ay awooda harreeyeen qawmiyadda Zezuru ee uu ka soo jeedo Mugabe.
Warbixin ay 2001-dii soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mnangagwa loo arko ninka qaabeeya hawlaha ganacsi ee xisbiga Zanu-PF”. Arrintaas ayaa badanaa lala xiriiriyay hawlaha ciidammada Zimbabwe iyo ganacsade u dhashay jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Kongo
Tacaddiyada
Muuqaalka cabsida leh ee Mnangagwa wuxuu yimid intii lagu gudo jiray dagaalkii sokeeye 1980yadii kaas oo u dhaxeeyay xisbiga Zanu ee Mugabe iyo kii Joshua Nkomo ee Zapu.

Markaas oo uu ahaa wasiirka amniga wuxuu sidoo kale xukumay xarruntii dhexe ee sirdoonka CIO, taas oo ay milatarigu u adeegsadeen in ay ku caburiyaan Zapu.
Kumannaan ruux oo shacab masaakiin ah ayaa la dilay, kuwaas oo badankooduna ay ka soo jeedeen qawmiyadda Ndebeles oo loo arkayay taageerayaasha Zapu, ka hor intii labada xisbi aysan isku darsamin ee aysan kumidoobin Zanu-PF.
Wuxuu ku soo tababartay Shiinaha
Mnangagwa ayaa loo arkaa in uu ku naalooday taageerada dad badan oo dagaallada ka soo qaybqaatay kuwaas oo soo hogaamiyay ol’olihii ka dhanka ahaa beeralaydii caddaanka ahayd iyo mucaaradkii 2000 ka dambeeyay.

Wuxuu sidoo kale soo dhigtay iskuulka afkaarta ee Beijing School of Ideology, kaas oo uu gacanta ku hayo xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha.
