Madaxwaynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa magacaabay golaha wsaiirrada,isaga oo saraakiil sarsare oo militariga ka tirsan u magacaabay jagooyiin sare.
Mnangagwa ayaa la dhaariyay todobaad ka hor ka dib markii uu iscasilay Robert Mugabe, oo xukunka dalkaasi hayay 37 sano. Golaha wasiirada cusub ayaa u badan ciidamada iyo taliyeyaal hore, waxaana ku jira xubno loo heysto inay dad badan laayeen sanadihi 1980-yadii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqaday in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.
Madaxa ciidamada cirka Perence Shiri ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beeraha. Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobta lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah.
Mid ka mid ah dadka dhaliila dowladda , Tendai Biti ayaa sheegay in wakhtigii dabaaldaga uu dhammaaday. Biti ayaa intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u khaldanayn.