Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka oo lagu doortay magaalada Cadaado.
Xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa shahaadooyinkii xildhibaanimo lagu gudoonsiiyey mudanayaasha lagu doortay Cadaado, iyadoo Galmudug ay maanta soo afjartay Doorashada xildhibaanada.
Xafladda waxaa goonjoog ahaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo isagu ka mid ahaa xildhibaanada Cadaado lagu doortay, xildhibaanada cusub iyo marti sharaf kale.
DAAWO SAWIRRO