Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray Liiska Musharixiina 6kursi oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo laga soo doorto Galmudug.
Liiska ayaa ka kooban 12 musharax oo intooda badan loo xiray kuraasta, halka xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka tirsanaa Golaha shacabka loo wareejiyay Aqalka Sare, waxaana dib loo dhigay kuraasta ugu adkeyd ee laga soo doorto Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa dib u dhigay magacaabista musharaxiinta labada kursi ee dhimman, waxaana kuraastaas hadda ku fadhiyan Senator Cabdi Qeybdiid iyo Senator Cabdiwaaxid Goonjeex, iyadoo si weyn la isku hayo labadan kursi.
Qoorqoor ayaa tartanka ka reebay xubno caan ah oo u tartamayey kursiga uu ku fadhiyo senator Cabdi Axmed Dhuxulow, kaasoo ay kula tartameyso qof aan saameyn lahayn, waxaan u sharaxnaa oo laga reebay musharixiin dhowr ah oo ay ka mid yihin Sheekh Yuusuf Ceynte iyo C/qaadir Xuseen Jaahweyn.
Waxaa kaloo tartanka laga reebay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Jawaahir Axmed Cilmi, iyadoo kuraasta qaar ay saameyn ku yeelatay isbedello ku yimid kuraasta awood qeybsiga beelaha ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa kuraasta Aqalka sare u bedelay inay kusoo saaraan siyaasiyiinta ay iyagu wataan, iyagoo ka reebaya musharixiintii la tartami lahaa, taasoo macne la’aan ka dhigtay doorashada loo geli lahaa kuraasta Aqalka Sare.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA
1- Cabdi Axmed Dhuxulow (Senator mar kale tartamaya)
iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas (Senator mar kale tartamaya)
iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac
iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud. (Senatoorad mar kale tartameysa)
iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed (Xildhibaan Golaha shacabka oo Aqalka Sare loo soo wareejiyey)
iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali
iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

