Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa isbedel weyn ku dhacay xiliyadii ugu danbeeyay, kadib markii uu bilaabay inuu ololeeyo musharax uu dagaal siyaasadeed kula jiray.
Cali C/llaahi Cosoble oo fadhigiisu noqday magaalada Muqdisho ayaa intii ay socotay doorashada xildhibaanada wuxuu ka hor yimid qorshaha dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo saaray xildhibaano si weyn ugu kacsan arrintan oo keentay inay isku dhacaan labada dhinac.
Xubnaha uu Madaxweynaha Hirshabeelle soo saaray waxaa ka mida: xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, C/llaahi Sanbaloolshe iyo xildhibaano badan, isagoo culeys saaray xildhibaanadii taageersanaa kooxda Damjadiid iyo Xasan Sheekh.
Horaantii Bishan Febraayo ayaa la sheegay inuu Cali C/llaahi isugu yeeray xildhibaanada lagu doortay magaalada Jowhar isagoo u ololeynaya dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo la yaab ku noqotay xildhibaano uu qaarkood kula ballamay inay taageeraan musharixiin kale.
Xogta laga helayo maamulka Hirshabeelle ayaa sheegeysa in madaxweynaha Hirshabeelle uu cadaadis kasoo food saaray Itoobiya, wuxuuna ka mid ahaa madaxweynayaasha caddeystay inay ka hortagaan dib u doorsasada madaxweynaha xilka haya.
Wadani.com