Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilka ka qaadis ku sameeyya guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed), waxaana xilkaasi loo magacaabay guddoomiye cusub.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Mudane Cali Jeyte Cismaan, horena usoo noqday xildhibaan dowladii KMG ahayd.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka soo jeeda beel kale oo aan ahayn beesha guddoomiyaha xilka laga qaaday, inkastoo ay ka soo wada jeedaan Beesha Xawaadle.
AKHRI SABABTA XILKA LOOGA QAADAY YUUSUF DABAGEED
Wadani.com