Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu tagayo Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya la dhigay Wadooyinka.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake aya u duulay magaalada Magaalada Baledweyne iyadoo ay madaxda labada dal goobjoog ka noqon doonaan xaflad lagu soo dhoweynayo ciidamo cusub oo reer Jabuuti ah oo bedeli doona ciidamadii hore ee Gobolka Hiiran ku sugnaa.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo ka mid ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, hore ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u tegay magaalada Beledweyne Bishii Febraayo 2015 xilligaas oo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya.
Wadani.com