Madaxweynaha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan xukuumadda iyo labada gole ayaa saaka ka qeyb galay janaasadda Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxda ka qeyb gashay janaasadda oo ka dhacday Masjidka Shuhadda ee gudaha Madaxtooyada Somalia waxaa ka mida haa; Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia iyo xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Somalia.
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.




