Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweynaha oo daahfuray Barnaamijka wada-shaqeynta Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa

    Madaxweynaha oo daahfuray Barnaamijka wada-shaqeynta Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa

    March 5, 20163 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho, 5 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey barnaamijka wadashaqeynta gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ee xoojinta amniga caasimadda.

    Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyeyaasha ciidammada gobolka, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.

    “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow caalami ah oo khatar ku ah amnigeena iyo jiritaankeena. Cadowga Al Shabaab ee aan la dirireyno wuxuu haatan hadafkiisu yahay xasuuqa shacabka, taana waxaa daliil u ah ficiladooda ay sida arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir u wajahna, dadaalkeena meel isugu geyna’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arrin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, balse ay tahay arin horey qaanuunka ugu xusneyd oo haatan si wanaagsan loo qeexay, isagoo sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aamadii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo wax ka taraya xoojinta amniga magaalada Muqdisho. “Go’aamada la gaarey ee dhaxalgalka ah waxaa ka mid ah in la yareeyo gawaarida hubeysan ee magaalada dhex wareegaya. Waa inaan wacyigeena amniga kor u qaadno, feejignaan dheeri ahna aan muujino . Hanjabaadaha cadowga yaaney idin niyad jebin, taa bedelkeedana waxaan shacabka ugu baaqayaa inay ciidammada la shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan mar kasta oo ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan, amaba wax u dhimi kara amniga qaranka’’.

    Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wiilashii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidammada amniga ee ku dhintey weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad diidka ay la fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhado difaacayey shacabka iyo qaranimada Soomaaliya.

    “Wiilashan waxay u dhinteen si ay u badbaadiyaan hooyooyinka iyo aabeyaasha Soomaaliyeed. Dhiiggooda ayay ku bixiyeen inay cadowga ka hor istaagaan inaan la waxyeeleyn dad rayid ah oo noloshooda raadsanaya. Waan ka xumahay inay jiraan dad wax ka sheegaya wiilashaasi sharafta ku dhintey, waxaana si cad u sheegaya in kuwa wax ka sheegaya ciidammadeena duruufaha adag ku shaqeynayaa inay yihiin kuwo u adeegaya danaha Al Shabaab’’.

    Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha sheegay in dowladda ay muhimad gaar ah siineyso daryeelka ciidammada, dadaal kastana ay ku bixineyso in xaqa ay leeyihiin iyo daryeelka ay mudan yihiin ay helaan.

    “Way dhacdaa in mar mar mushaharka uu ka soo daaho ciidankeena, hadana waxaan mar walba xaqiijinaa in mushaharaadka ka daahay oo dhan la siiyo. Sidaad wada ogtihiin dowladdeena dhaqaale ku filan ma haysato. Dhowaan booliska waxaa la siiyay mushaharaad dhowr bilood ka soo daahay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna, waa la siinayaa wixii mushaharaad ah ee ka baaqdey. Waxaan farayaa Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda inay qalabka warbaahinta ay bulshada warbixin kaga siiyaan xaaladda daryeelka ciidammada si meesha looga saaro wararka ku-tiri-kuteenka ah ee la faafinayo’’.

    Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

    DHAMMAAD

    Amniga Madaxweynaha Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskar Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray qaraxyadii Baardheere
    Next Article Turkish aid agency builds 36 water wells in Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo