Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u baqoolay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qeybgeli doono shir caalami ah oo looga hadlayo dhaqaalaha dunidaa oo 13-ka July ka furmaya magaalada Adis Ababa.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale. waxaan shirkan ka qeyb galaya madax badan oo caalamka ka socota iyo Hay’adaha dhaqaalaha aduunka sida Bankiga adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka.
Soomaaliya ayaa ka mida dalalka colaadaha la degeen oo aan la fileyn inay shirkani door weyn ka qaadato marka laga reebo inay goobjoog ka ahaato. Shirka oo looga doodayo dhaqaalaha loo qoondeeyo mashaariicda horumarinta ayaa ka mida saddex shir oo caalami ah oo sanadkan dhacaya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]