[alert color=”DF0101″]Kooxda madaxweynaha oo shuruud ku xiran magacaabidiisa hor dhigtay Cumar C/rashiid? ( Xog cusub)[/alert]
Kooxda ku xeeran madaxweynaha Soomaaliya oo ay hormuud u yihiin Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la xaqiijiyay inay shuruud adag u diyaariyeen Cumar C/rashiid Cali oo la filayo in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, shuruudaas oo xiran in loo magacaabo jagada.

Shir ay xalay madaxweynaha iyo saaxiibadiis ku yeesheen madaxtooyada ayaa lagu diyaariyay liiska xubnaha golaha wasiirada cusub oo ay qorteen, iyagoo xushay xubno ku dhow iyo kuwo ka mida kooxdooda, liiskaas xubaha hordhac ahaanta looga helay waxaa kamida:
1. Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Sanbaloolshe
2. Wasiirka Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed
4. Wasiirka Dastuurka Maryan Cariif Qaasim
Liiska intiisa kale oo dhowaan la heli doono ayaa ah kuwo waanwaan ku jira qaarkood si cod looga helo xildhibaannada, waxayna wararku sheegayaan in Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariin Guuleed ay ilaa saacadihii ugu danbeeyay wadaan qorista magacyada golaha wasiirada la doonayo inuu saxiixo oo laga ansixiyo Cumar C/rashiid taasoo shuruud loogadhigay in xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo.
Cumar C/rashiid oo saaka soo gaaray Muqdisho wuxuu ugu horey xarunta Xalane kulan kula qaatay wakiilka UN-ka ee Soomaaliya iyo safiiro ka tirsan Midowga Yurub, wuxuuna hadda ku sugan yahay madaxtooyada oo shir kula leeyahay madaxweynaha iyo kooxdiisa oo shuruudaas adagi hordhigaya.
Lama oga sida uu Cumar ka yeeli doono arrintan, waxayse dad badan aamisan yihiin inuu aqbali doono shuruudaasi oo kaliya ku kaaftoomi doono inuu noqdo ra’iisal wasaare maqaarsaar ah.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]