Qaar ka mida saaxiibadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee kala shaqeeyay mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa isu diyaarinaya inay dhinaca kale kasoo jeestaan kadib markii rabitaankooda ugu muuqday mid ay ku hungoobeen, qaar kalena waxay ku hanjabeen iney ka baxayaan isbaheysigii ay madaxewynaha la lahaayeen haddii jagooyinkii loo balanqaaday ay heli waayaan.

Xubnaha mucaaradka isku bedelay ama sida weyn uga aamin baxay madaxweynaha iyo kooxdiisa waxaa ka mida:
1. Xuseen Cabdi Xalane: Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumadii dhacday oo tiro aan yareyn lagu war geliyay in loo magacaabayo ra’iisal wasaare kadibna looga baxay. Masuulkan wuxuu si weyn uga carooday isbedelka aan yareyn ee madaxweynaha iyo kooxdiisa, wuxuuna talo ku qaatay inuusan xitaa ka mid noqon Golaha wasiirada oo dalka isaga anbabaxo marka uu xilka wareejiyo.
Waxaa sidoo kale Xuseen Cabdi Xalane ku wehliya arrintan beesha uu ka soo jeedo oo kala bar ku taageersanayd madaxweynaha ridista xukuumadda C/weli, waxaana hormuud u ahaa Xildhibaan C/rashiid Xidig oo jab weyni ka soo food saaray dhinaca madaxweynaha markii xilka Ra’iisal wasaaraha loo badiyay in loo magacaabayo Cumar C/rashiid.
2. Saciid C/llaahi Deni: Wasiirka Qorsheynta xukuumadii dhacday wuxuu saaxiib la ahaa madaxweynaha isagoo kala shaqeeyay mooshinka lagu riday xukuumadiisa, wuxuuna markii hore rajo ka qabay in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxay xaaladiisu xumaatay markii Cumar C/rashiid khadka soo galay, waxaana u caddaatay haddii la magacaabo Cumar oo ay jufo hoose isku yihiin inuu xitaa weyn doono wasiirnimo, wuxuuna ka mid yahay xubnaha boorsooyinkooda ka qaadan doona Muqdisho.
3. Ubax Tahliil Warsame: waa xildhibaanad si weyn u taageersaneyd madaxweynaha oo balanqaadyo badan ka heysata, waxayna madaxweynaha kula talisay inuu jagada Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Saciid Jaamac Qoorsheel wasiirka gaadiidka, wuxuuna madaxweynaha u muujiyay inuu rabitaankeeda u yeeli doono. Xildhibaannada oo aan dab yar shidin ayaa hadda dadaalkeedii noqday Hal bacaad lagu lisay, waxayna u diyaarsan tahay inay loolan la gasho madaxweynaha iyo kooxdiisa.
4. Daahir Amin Jeesow: Xildhibaan safka hor uga jiray mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli, wuxuu ku hanjabayaa haddii isaga la siin wasiirka beeshiisa ku soo aadaya ama loo magacaabin inuu dhinaca kale u wareegi doono.
5. C/qaadir Cosoble: Xildhibaan kale oo si weyn uga dhex muuqday kooxda taageersan madaxweyne isla markaana la siiyay balanqaadyo aana yareyn, balse weli kalsooni xumo u muuqato, isaguna wuxuu qarka u saaran yahay inuu meeshiisii ka wado mooshinkii casilaadda madaxweynaha haddii aan wasiir loo magacaabin.
Waxaa jira saaxiibo kale oo madaxweynugu lahaa oo iyaguna ku rajo in ra’iisal wasaare loo magacaabayo Cumar C/rashiid, waxaana kooxda madaxweynaha laga sugayaa sidii ay xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub ka yeeli doonaan, haddiiba ay suuragasho inuu shuruudahooda aqbalo Cumar C/rashiid (akhri Shuruuda ku xiran magacaabidiisa).
Goobjooge.com
London
[ad name=”HTML”]