Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Magacyada qaar kamida saaxiibadii madaxweynaha oo mucaarad isku bedelaya (Xog)

    Magacyada qaar kamida saaxiibadii madaxweynaha oo mucaarad isku bedelaya (Xog)

    December 16, 2014Updated:December 16, 20143 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    SACIID DENI, UBAX TAHLIIL, C/RASHIID XIDDIG
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaar ka mida saaxiibadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee kala shaqeeyay mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa isu diyaarinaya inay dhinaca kale kasoo jeestaan kadib markii rabitaankooda ugu muuqday mid ay ku hungoobeen, qaar kalena waxay ku hanjabeen iney ka baxayaan isbaheysigii ay madaxewynaha la lahaayeen haddii jagooyinkii loo balanqaaday ay heli waayaan.

    SACIID DENI, UBAX TAHLIIL, C/RASHIID XIDDIG
    SACIID DENI, UBAX TAHLIIL, C/RASHIID XIDDIG

    Xubnaha mucaaradka isku bedelay ama sida weyn uga aamin baxay madaxweynaha iyo kooxdiisa waxaa ka mida:

    1. Xuseen Cabdi Xalane: Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumadii dhacday oo tiro aan yareyn lagu war geliyay in loo magacaabayo ra’iisal wasaare kadibna looga baxay. Masuulkan wuxuu si weyn uga carooday isbedelka aan yareyn ee madaxweynaha iyo kooxdiisa, wuxuuna talo ku qaatay inuusan xitaa ka mid noqon Golaha wasiirada oo dalka isaga anbabaxo marka uu xilka wareejiyo.

    Waxaa sidoo kale Xuseen Cabdi Xalane ku wehliya arrintan beesha uu ka soo jeedo oo kala bar ku taageersanayd madaxweynaha ridista xukuumadda C/weli, waxaana hormuud  u ahaa Xildhibaan C/rashiid Xidig oo jab weyni ka soo food saaray dhinaca madaxweynaha markii xilka Ra’iisal wasaaraha loo badiyay in loo magacaabayo Cumar C/rashiid.

    2. Saciid C/llaahi Deni: Wasiirka Qorsheynta xukuumadii dhacday wuxuu saaxiib  la ahaa madaxweynaha isagoo kala shaqeeyay mooshinka lagu riday xukuumadiisa, wuxuuna markii hore rajo ka qabay in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxay xaaladiisu xumaatay markii Cumar C/rashiid khadka soo galay, waxaana u caddaatay haddii la magacaabo Cumar oo ay jufo hoose isku yihiin inuu xitaa weyn doono wasiirnimo, wuxuuna ka mid yahay xubnaha boorsooyinkooda ka qaadan doona Muqdisho.

    3. Ubax Tahliil Warsame: waa xildhibaanad si weyn u taageersaneyd madaxweynaha oo balanqaadyo badan ka heysata, waxayna madaxweynaha kula talisay inuu jagada Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Saciid Jaamac Qoorsheel wasiirka gaadiidka, wuxuuna madaxweynaha u muujiyay inuu rabitaankeeda u yeeli doono. Xildhibaannada oo aan dab yar shidin ayaa hadda dadaalkeedii noqday Hal bacaad lagu lisay, waxayna u diyaarsan tahay inay loolan la gasho madaxweynaha iyo kooxdiisa.

    4. Daahir Amin Jeesow: Xildhibaan safka hor uga jiray mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli, wuxuu ku hanjabayaa haddii isaga la siin wasiirka beeshiisa ku soo aadaya ama loo magacaabin inuu dhinaca kale u wareegi doono.

    5. C/qaadir Cosoble: Xildhibaan kale oo si weyn uga dhex muuqday kooxda taageersan madaxweyne isla markaana la siiyay balanqaadyo aana yareyn, balse weli kalsooni xumo u muuqato, isaguna wuxuu qarka u saaran yahay inuu meeshiisii ka wado mooshinkii casilaadda madaxweynaha haddii aan wasiir loo magacaabin.

    Waxaa jira saaxiibo kale oo madaxweynugu lahaa oo  iyaguna ku rajo in ra’iisal wasaare loo magacaabayo Cumar C/rashiid, waxaana kooxda madaxweynaha laga sugayaa sidii ay xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub ka yeeli doonaan, haddiiba ay suuragasho inuu shuruudahooda aqbalo Cumar C/rashiid (akhri Shuruuda ku xiran magacaabidiisa).

    Wadani.com

    London

    [ad name=”HTML”]

     

    Saaxiibada madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Madaxweynaha iyo kooxdiisa oo shuruud ku xiran in la magacaabo hordhigay Cumar C/rashiid? ( Xog cusub)
    Next Article Madaxweynaha oo shuruud yaab leh ku xiray magacaabidda Cumar C/rashiid..! (Akhri xog cusub)

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

    September 13, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo