Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan la qorsheyn uga qeyb galay shirkii Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ee Khamiislaha ahaa, wuxuuna xukuumadda ka dalbaday inay la timaado waxqabad cad oo ku aadan dhibaatooyinka dalka ka jira iyo qorshe dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin, isagoo waqti kooban la joogay golaha wasiirada.
Shirka Golaha wasiirada oo uu maanta guddoominayay Wasiirka Cadaaladda iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte ayuu madaxweynuhu si kulul ugu sheegay xukuumadda looga fadhiyo shaqo iyo xal ay u hesho dhibaatooyinka ay ka midka yihiin:
= Dhinaca ammaanka iyadoo la galayo bisha Ramadaan, lana filayo weeraro ka yimaada Alshabaab.
= Arrinta maamulka Jubba iyo khilaafka ka taagan dhismaha baarlamaanka KMG ah ee Jubba
= Arrinta Ahlu suna iyo qabsashada Dhuusamareeb
= Dhismaha maamul Goboleedyada harsan ee dalka.
= Iyo Hirgelin hiigsiga cusub ee 2016 oo la doonayo in doorasho dalka la gaarsiiyo
Arrimahan dhan ayuu shirkii golaha wasiirada ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo wasiirada kulanka joogay u sheegay in lala xisaabtamayo, lagana doonayo shaqo adag iyo inay gutaan xilkooda. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu goobta ka tegay isagoo aan sugin su’aalo ay doonayeen xubnaha golaha wasiirada inay weydiiyaan oo qaarkood xasaasi ahaa kuna saabsanaa arrimaha dhaqaalaha, safaradda badan ee madaxda dowladda iyo arrimo kale.
Golaha wadiirada ayaa shirkoodii caadiga aha iska sii watay iyagoo ka dooday arrimaha ammaanka iyo xaaladda dhaqaale darro ee heysata dowladda Federaalka. Waxaana markii uu shirka soo dhammaaday saxaafadda la hadlay wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]