Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirkii dib u heshiisiinta gobollada dhexe ee Dhuusamareeb ka socday in ku dhow 2 bilood, isla markaanba ku dhawaaqay in caasimadda maamulka gobollada dhexe ay noqon doonto Dhuusamareeb. Wareegto uu sheegay inuu isagu saxiixay oo faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono ayuu madaxweynuhu sheegay inuu gacanta ku hayo.

Waxaa kaloo madaxweynuhu ku shaaciyay khudbad uu ka jeediya shirka Dhuusamareeb in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe uu ka furmi doono degmada Cadaado 11-ka Bishan April, isagoo ugu baaqay ergada inay iska xaadiriyaan Cadaado. Khudbadda madaxweynaha waxaa ka mid ahayd in shirka lagu qabto Cadaado lagu kala aragti duwanaa balse ay arrintaasi xaliyeen.
[ad name=”HTML-2″]
Dowladda Federaalka ayaa dhibaato weyn kala kulantay sidii ay beelaha goboladda dhexe ugu qancin lahayn in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe lagu qabto Cadaado, waxayna is jiidjiid kadib ay sameysay xeerjajab iyo heshiisyo hoose oo beelaha diidanaa inay Cadaado tagaan lala galay sida in la saxiixo inay Dhuusamareeb noqoto caasimadda maamulka Gobollada Dhexe iyo in madaxweyne ku xigeenka maamulka la siiyo beesha Caabudwaaq.
Afhayeenka qabanqaabiyeyaasha shirka Cadaado ayaa isna BBC-da sheegay inay sharci darro iyo wax aan loo fadhiyin tahay tallaabada uu qaaday madaxweynaha, wuxuuna sheegay in caasimadda maamulka Gobollada Dhexe, madaxweynaha iyo Baarlamaanka aanay jirin cid go’aan ka gaari karta oo kaliya ay ergada shirka go’aamin karto, wuxuuna intaas raaciyay: “Wixii gobollada dhexe ka xumaada waxaa mas’uul ka ah madaxweynaha” ayuu yiri Afhayeenka.
Waxaa soo shaac baxaysa in markii dowladdu xalisay dhibaatadii Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq in hadda ay ka kowsaneyso mushkilad hor leh oo Cadaado ka imaaneysa iyadoo lagu wado inay kooxda Cadaado soo saaraan diidmo ay ka hor geynayaan warkii madaxweynaha ku magacaabay in caasimadda maamulka Goboladda dhexe ay noqoto DHUUSAMAREEB.
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]