Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay saabsan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland, kadib markii uu xilka iska casilay agaasimihii hore.
Wareegta ayaa lagu yiri
Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magcaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta oo ay taariikhdu tahay 24 February 2017.
Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu xilka ka regay agaasimihii hore Deeq Saleebaan Yuusuf markii uu khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Gaas.