Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray Degmada Qardho ee Daadadku ku rogmadeen, kuwaasoo qasaare weyn ka geystay magaalada.
Madaxweyne Deni ayaa kormeeray xaaladda Bani’aadannimo ee ka jirta degmada iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Daadka magaaladda kusoo rogmaday, isagoo ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda.
Wuxuu shaaciyey in Puntland ay sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, wuxuuna baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda ka jirta degmada Qardho.







