Tuesday, May 13, 2025

Madaxweynaha Puntland oo kaalin weyn ka qaadanaya mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaraha Somaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa door weyn ku yeeshay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed, isagoo si weyn ula shaqeynaya Ra’iisal wasaaraha.

[ot-caption title=”C/WELI GAAS IYO C/WELI SHEEKH” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/10/laba-cweli.jpg”]

C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu xildhibaanno badan oao ka soo jeeda Puntland ka saaray liiska xildhibaanada saxiixay mooshinka, qaar kalena si toos ah ugu biiriyay taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha isagoo xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn la leh kooxda taageereysa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in dadaallo kala duwan oo qeyb muhiim ah uu ka qaatay madaxweynaha Puntland guul weyn laga gaaray iyadoo in ka yar 10 xildhibaan ay ku soo hareen xildhibaanada Daarood ee taageeraya Mooshinka iyo madaxweynaha. Xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo C/weli Gaas ayaa xumaaday kadib markii uu Xasan Sheekh ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, markaasoo uu fulin waayay balanqaadyo uu la galay Ra’iisal wasaarahan hore oo codkiisa siiyay Xasan Sheekh.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON