Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wareegto uu soo saaray caawa ku kala diray Golihii Degaanka Degmada Boosaaso.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:
Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Sidoo kale wuxuu soo saarya xeer uu ku magacaabay Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) inuu si kumeel gaar ah u noqdo Guddoomiyaha Degmada Boosaaso iyo Axmed Nuur Huruuse oo isna si ku meelgaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.
