Madaxweynaha maamul goboleedua Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimayaal Guud oo ka tirsan maamulka Puntland.
Isku shaadheynta qaar ka mida agaasimeyaasha Puntland ayaa lagu soo saaray wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland oo lagu sheegay in baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha ay keentay magcaabidda iyo kala bedelka agaasimeyaasha.
Waxaa lasoo saaray:
1 Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
2- Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
3- Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha waxaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
4- C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha waxaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.