Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyntii ugu weyneyd ku sameeyay maamulkiisa [Wasiiro la eryay]

    Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyntii ugu weyneyd ku sameeyay maamulkiisa [Wasiiro la eryay]

    August 15, 2016Updated:August 15, 20169 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4161/082016 uu  magacaabid, isku bedel, iyo Xilka ka qaadis ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaraddaha dalka  Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

    Markuu Ku Qancay:                  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday In

    1– In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    2– In Mudane, Cumar Shucayb Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)

    3– In Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)

    4- In Mudane, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)

    5– In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

    6– In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

    7– In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

    8- In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    (Bedel)

    9– In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

    10- In Mudane, Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel)

    11- In Mudane, Cismaan Xasan Aw Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (bedel)

    12– In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

    13– In Mudane, Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

    14– In Mudane, Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)

    15– In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

    AGAASIMYEYAASHA GUUD QAAR KA MID AH

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1- In Mudane, Fu’aad Cabdi Salaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    2– In Mudane, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    3– In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    4– In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    5– In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    6– In Mudane, Xasan Nuur Abokor (Xasan Jebiye), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    HAY’ADAHA DAWLADA

    Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:              Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka;

    Markuu Aqoonsaday:               Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka;

    Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1- In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda manta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    2- In Mudane, Shariif Abokor X. Maxamed (Dhuux-yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    3- In Mudane, Sharmaarke Muxumed Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    4- In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    5- In Mudane, Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland

    6- In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xog-hayaha Guud ee Guddida La Dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    TALIYEYAASHA CIIDAMADA KALA DUWAN QAAR KA MIDA

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Ciidanka Qaranku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Taliyeyaasha Ciidamada,  Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka, Ciidanka Qaranka, iyo Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

    Markuu Arkay:                          In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday;

    1- In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    2- In Sarreeye Guuto, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    3- In Sarreeye Guuto, Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hada wixii ka dambeeya waxa soo magacaabaya Madaxweynaha)

    4- In Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Gudoomiyeyaasha Gobolada Qaarka mida

    Madaxweynuhu:

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:                          Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

    Markuu Aqoonsaday:               In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolka Maroodijeex, Sool iyo Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

    Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1- In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    2- In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    3- In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA QAAR KA MID AH

    Madaxweynuhu:

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1- In Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga. (Hore Afhayeenka Madaxtooyada)

    2- In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali X. Jeeniyare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex)

    3- In Mudane, Aadan Nugaal X. Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

    MAGACAABIDA DANJIREYAAL CUSUB

    Madaxweynuhu:

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Australia;

    Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1-  In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia.
    2-  In Mudane, Maxamed Ismaaciil Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Australia.
    3-  In Mudane Aadan Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika

    MAGACAABIDA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SL

    Madaxweynuhu:

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
    Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Af-hayeenka Madaxtooyadu u leeyahay Madaxtooyada Dalka iyo dhismaha Qaranka;
    Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la buuxiyo jagada Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;
    Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
    Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga)

    *********************************************************************************************
    Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

    1-  Ku: Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle),
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
    2-  Ku: Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan,
    Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
    Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
    3 – Ku: Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle)
    Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL
    Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
    4-  Ku: Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor),
    Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera
    Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
    5-  Ku: Mudane, Cumar Abokor Jaamac,
    Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Dekedda Berbera
    Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
    6-  Ku: Mudane, Maxamed Cabdi Bullaale,
    Agaasimihii Guud ee Hore ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
    Og: Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
    7-  Ku: Mudane, Jaamac Maxamed Odowaa,
    Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
    Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

    Mudaneyaal,

    Waxaan aad idinka mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

    Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u hayseen.

    Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Masuuliyiinta aan xilalkaa u soo magacaabay, idinkoo mahadsan.

    ALLAA MAHAD LEH
    Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
    Af-hayeenka Madaxtooyada SL.

    isku shaandheyn Siilaanyo Somaliland Wasiiro la eryay
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUsain Bolt: Ninka ugu orodka badan dunida oo taariikh cusub dhigay [DAAWO SAWIRRO]
    Next Article Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo gabar Soomaali ah u magacaabay Guddi sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo