Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud Shekh ayaa furay maanta kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka federaalka oo xarunta Baarlamaanka dib uga furmay markii ay fasax ka soo laabteen xildhibaanada Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax ay qabteen, ayna u harsan yihiin howlo kale oo muhiim ah, wuxuuna u mahad celiyay howlihii ay hore u qabteen isagoo ka digay in Baarlamaanku shaqeyn waayo inay macnaheedu tahay dalka midnimadiisii oo shaqeyn weyday.
Kulankii furitaanka kalfadhiga cusub waxaa ka soo xaadiray 141 xildhibaan oo ay tiro yar, waxaana arrintan ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo sheegay in kalfadhigan aan la aqbali doonin xildhibaan ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, oo xeer hoosaadka loo adeegsan doono in tallaabo laga qaado.
Baarlamaanka waxaa hor yaala sharci ay ka mid yihiin:
- Xeerka saxaafadda
- Sharciga xisbiyada badan
- Xeerka Guddiga Garsoorka
- Sharciga been xalaaleynta hantida
- iyo sharciyo kale
Kalfadhiga ayaa furmay iyadoo shirarka dambe ee Baarlamaanka ay xasaasi yihiin, xildhibaanadii ka horjeeday Guddoomiyaha Baarlamaanka ee keenay Mooshinka madaxweynaha ee hore loo laalay ayaa intooda badan ka baaqsaday inay tagaan furitaanka Baarlamaanka ee maanta.
Wadani.com