Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda Mareykanka u diray Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhambaalkiisa ku sheegay isagoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliya inuu hambalyo u dirayo Qaranka iyo shacabka weyn ee Mareykanka munaasbadda maalinta xoriyadda Mareykanka darteed.
Dhambaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu yahay si weyn dhinacyo kala duwan uga taageer Soomaaliya ayna ka mahadcelinayaan taageeradaasi.
Hore ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump hambalyo ugu soo diray madaxweynaha Soomaaliya munaasabadii 1-da Luulyo ee xoriyadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO DHAMBAALKA