Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda wuxuuna baaqiisa ku yiri. “Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”
“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.” ayuu yiri Farmaajo oo sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.