Madaxweynaha dalka Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telefoonka kula soo xiriiray madaxweynaha cusub Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu ugu hambalyeeyo doorashada loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xiriirka madaxweyne Erdogan ayaa kii ugu weynaa ee maanta uu helo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna caddeyn u yahay kaalinta Turkiga ku leeyahay Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya xilka loo doortay, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysan doono sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladda adag ee ay ku jirto.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa hore u soo saartay bayaan hambalyo ah oo ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo arbacadii ka dhacday magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ka mid ahaa wakiilada beesha caalamka ee maanta kulanka la yeehay Madaxweyne Farmaajo isagoo sheegay inuu ugu hambleeyay xilka.
Wadani.com