Madaxweynayaasha maamulada kumeelgaarka ah ee Juba iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa goordhaweyd kadegay caasimadda Puntland ee Garowe.
Waxaa wafdiyada labada madaxweyne garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, iyo xubno kale iyadoo kadibna loo galbiyay madaxtooyada, halkaasoo kulan looga hadlayo hiigsiga cusub uga furmi doono iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
[ad name=”HTML”]
Madaxweynaha Puntland iyo labada Madaxweyne ee Jubba iyo K/Galbeed ayaa saxaafada la hadlay, wuxuuna Madaxweynaha martifa loo yahay ee Gaas uu sheegay in madaxdan u yimaadeen sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka madaxda maamulada federaalka iyo dowladda federaalka oo Galabta ka furmaya Garoowe.
Waxaa si wada jir ah uga mahadceliyey soo dhaweynta Garoowe loogu sameeyey Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]