Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 11
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxweynayaasha Somalia & Burundi oo shir degdeg isugu yeeray dalalka ciidamada ka joogaan Somalia [War-Murtiyeed]

    Madaxweynayaasha Somalia & Burundi oo shir degdeg isugu yeeray dalalka ciidamada ka joogaan Somalia [War-Murtiyeed]

    February 19, 2019Updated:February 20, 20193 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Burundi ayaa war-murtiyeed kasoo saaray magaalada Bujumbura, kadib wadahadal laba maalmood u socday oo diiradda lagu saaray hadlay xaaladda ciiamada AMISOM ku sugan Soomaaliya.

    War-murtiyeedka labada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo
    Pierre Nkurunziza waxaa ugu muhiimsanaa in ciidamada AMISOM ay qaadaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab iyo shir degdega oo la isugu yeeray dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

    1- Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal.

    2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi.

    3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada.

    4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab.

    5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta.

    6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM.

    7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya.

    AMISOM Burundi Farmajo Pierre Nkurunziza Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Musaveni oo wiilkiisa u magacaabay Taliyaha Ciidamada dalka Uganda. [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Caawa gaaray magaalada Jabuuti, kuna sii jeeda… [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo