Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Albashiir ayaa goor dhoweyd dib ugu laabtay magaalada Khartoum ee dalkiisa kadib markii uu kasoo duulay magaalada Johansberg ee dalka K/Afrika oo uu kaga soo qeyb galay shir madaxeedka dalalka Midowga Afrika. Sida ay xaqiijisay wakaalada wararka Suudaan diyaaradii siday wafdiga madaxweynaha Suudaan ayaa caga dhigatay garoonka Khartoum.
Dadweyne kumanaan ah ayaa madaxweynaha Suudaan ku soo dhoweeyay garoonka iyadoo baabuur dusha ka furan la saaray kadibna dadkii faraha badnaa u gacan haatiyay. Dadweynaha Suudaan ayaa madaxweynahooda u muujiyay sida ay u taageersan yihiin kadib maalmo xaaladiisa mugdi la geliyay.
Madaxweynaha Suudaan ayaa socdaalkiisa ay hareeyeen arrimo ku saabsan in la xiro iyadoo loo heysto denbiyadii ay ku soo eedeysay Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada ICC, waxayna maxkamad ku taalla K/Afrika soo saartay amar ah inuusan ka bixi karin dalkaasi.
Albashiir oo martiqaad ka heystay Midowga Afrika ayaa ka qeyb galay shirkii madaxda Afrika, kadibna ka soo duulay dalkaasi iyadoo maxkamadaha dalkaasi ay fadhi ka lahaayeen xaaladiisa, isla markaana qareeno u doodaya dowladda K/Afrika ay tagaan maxkamadda ay ka socotay arrinta madaxweynaha Suudaan.
Buuq weyn ayaa lagu furay madaxweynaha Suudaan iyadoo dalal badan oo ka horjeeda siyaasadiisa sida Mareykanka ay dowladda K/Afrika ku adkeeyeen inay xirto Albashiir. Waxayna ahayd ololihii ugu weynaa ee soo wajaha madaxweynaha Suudaan inkastoo uu muujiyay geesinimo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]