Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Donald Trump oo Dagaal Ganacsi oo ka dhex Qarxiyay dalalka Mareykanka iyo Shiinaha

    Madaxweyne Donald Trump oo Dagaal Ganacsi oo ka dhex Qarxiyay dalalka Mareykanka iyo Shiinaha

    March 23, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay ka baaraandagayso canshuuro ay ku soo rogto alaabada Maraykanka laga soo dhoofiyo oo qiimahoodu ku kacayo 3 bilyan oo doolar, arrintaasna ay aargoosi u noqon doonto canshuuraha uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu saarayo alaabada Shiinaaha u iib geeyo Mareykanka.

    Liiska waxyaabaha laga soo dhoofiyo Maraykanka ee Shiinuhu uu ka baaraan dagayo waxaa ka mid ah Doofaarka, Wine oo ah nooc ka mid ah khamrida, Khudaarta, Lawska, Tubooyinka biraha ah iyo waxyaabo kale oo Shiinuhu ka iibsado Mareykanka, taasoo dhibaato u geysan doonta beeraleyda Mareykanka.

    Shiinaha ayaa sidoo kale Maraykanka waydiistay in uu iska ilaaliyo “in uu meel halis ah geeyo” calaaqaadka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha. Waxana afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ay ka digtay in tallaabada gooni u socodka ah ee Donald Trump qaaday ay halis ku tahay ganacsiga caalamiga ah.

    Shiinaha ayaa sheegtay in ay rajaynayso in Maraykanka joojiyo dagaalka ganacsi ee qarka loo saaran yahay. Khamiistii ayuu Maraykanku ku dhawaaqay qorsheyaal uu canshuurta ugu kordhinayo 60 bilyan oo ah alaabada Shiinaha laga soo dhoofiyo iyo in la xadido maalgashiga uu Shiinuhu ku sameeyo Maraykanka.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah eedaymo sannado badan loo soo jeedinayay Shiinaha oo ah in uu xado hal abuurka fikradaha.

    Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegtay in iskaashi dhaqaale uu yahay “xalka kali ah ee saxda ah” waxayna ku baaqday in Maraykanku uu wadahalad ku dhameeyo arrimaha la isku hayo si looga baaqsado waxyeelo wakhti dheer jiitanta.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in ay diyaarisay labo talaabo oo aargoosi canshuur ah kuwaas oo kala ah:

    In 15% sare loo qaado canshuurta 120 nooc oo ganacsi ah kuna kacaya 1 bilyan oo doolar, kuwaas oo ay ku jiraan khudaarta soo go’da een la warshadaynin, lawska iyo khamriga wine-ka loo yaqaanno.

    Iyo in 25% canshuurta lagu kordhiyo sideed ganacsi oo kale oo qiimahoodu ku kacayo 2 bilyan oo doolar. Tallaabada koobaad ayaa la qaadi doonaa haddii Maraykanku uu ku guuldarraysto in uu Shiinaha la gaaro heshiis ganacsi.

    Midda labaadna waxay dhaqan gali doontaa marka qiimayn dheeri ah lagu sii sameeyo canshuuraha uu Maraykanku soo ragay. Shiinuhu wuxuu sheegay in uusan rabin in uu galo dagaal ganacsi, balse uusan ka baqaynin haddii uu mid galayo.

    Shiinuhu waxaa kale oo ay raadinayaan in uu qaado tallaabo sharci ah isaga oo sii maraya Hay’adda Ganacsiga Adduunka isaga oo ka cabanaya canshuuraha uu Maraykanku ku dhawaaqay bishii hore ee ka dhan ah biraha.

    Suuqyada Saamiyada ee Aasiya ayaa hoos u dhacay iyada oo laga cabsiqabo in uu dhaco dagaal ganacsi oo dhex mara Maraykanka iyo Shiinaha.

    Suuqyada saamiyada ee Maraykanka ayaa Khamiistii la xiray iyaga oo heerkoodii ka hooseeya.

    Maraykanka ayaa alaabo balaayiin doolar ku kacaysa ka soo qaata Shiinaha taas oo midda uu u dhoofiyo ka hoosaysa 375 bilyan oo doolar sida ku cad ganacsigii labada dal dhex maray sannadkii hore, waana taas mida uu Trump dhaliilay.

    Trump ayaa Khamiistii sheegay in uu Shiinaha ka dalbaday in ay si degdeg ah u dhimaan 100 bilyan.

    Laakiin canshuuraha cusub ee Maraykanku soo rogay ayaa dabo socday baaritaan lagu sameeyay siyaasadaha Shiinaha ka dib markii uu amar bixiyay Trump bishii Agoosto.

    China Trump US Xi Jinping
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo Amar ku socda Ciidamada kasoo saaray Qarixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
    Next Article Farriin ka timid Oday Reer Muqdisho ah: “Taabidow waa lagu Tabey” [Qormo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo