Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xaqiijiyey inay dowladda Soomaaliya si buuxda taageersan tahay dowladda Itoobiya howlgalka ay ka wado Gobolka Tigray.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in la-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Gedu Andargachew uu warbixin ka siiyay madaxweynaha Soomaaliya Isniintii howlgalka xoojinta sharciga ee ka socda Tigray, una sharxay sida weyn ee loo qorsheeyay inay lasoo afjaro sharci darrada jabhadda TPLF.
“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu La-taliye Gedu u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso dowladda Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Gedu Andargachew ayaa isniintii booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulan gaara la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya aanay ka hadlin arrintan.
