Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofaya Boqortooyada Sacuudiga.
Wafddiga Madaxweynaha aroortii saaka tegay Garoonka Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga, iyagoo ka qeyb geli doona shir madaxeedka 29aad ee dalalaka Jaamacadda Carabta oo berri ee 15-ka April ka furmi doonta Sacuudiga.
Waxaa magaalada Magaalada Riyaad ku sugan wafdiga Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta ee hordhaca u ahaa shirka madaxda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda dalalka jaamacadda Carabta iyo Sacuudiga, iyadoo uu shirkan ku soo beegmayo xilli uu si weyn u xumaday xiriirka dowladda Farmaajo oo u janjeerta dhinaca Qatar iyo dalalka isbaheysiga Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn.