Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Beijing ee Caasimadda Shiinaha, isagoo ka qeyb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee FOCAC.
Madaxweynaha oo ay wafdigiisa ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Ganacsiga Maxamed Cabdi Maareeye, ayna wehliyaan xubno kale ayaa waxaa garoonka magaalada Beijing ku soo dhoweeyay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.
Waxaa la filayaa in wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay kulamo la yeeshaan madaxda dalka Shiinaha iyo madaxda kale ee qeyb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
DAAWO SAWIRRO