Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Farmaajo oo Adis kulamo gaara la yeeshay Madaxweynayaasha dalalka IGAD [Sawirro]

    Madaxweyne Farmaajo oo Adis kulamo gaara la yeeshay Madaxweynayaasha dalalka IGAD [Sawirro]

    January 29, 20183 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn.

    Madaxweynaha Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti uga mahadceliyey dadaalka badan ee uu galiyey dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo garab istaagga ay muujiyaan mar walba. Madaxweyne Geele ayaa dhiniciisa ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya isaga oo adkeeyay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed, arrintaasna ay Jabuuti kaalin weyn ka qaadan doonto.

    Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa inta badan looga hadlay dhismaha Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhisidda Ciidanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay kabsasho fiican sameysay sannadihii ugu dambeeyey, walina ay jiraan qorshayaal la rabo in laga caawiyo sidii loo dhammeystiri lahaa.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan kulankii ay yeesheen waxa ay isku soo qaadeen xaaladda Koofurta Suudaan. Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Salva Kiir ka wareystay Xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koofurta Suudaan.

    Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxa uu ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkiisa kunool, waxa uuna sheegay in ay horumarka Koonfurta Suudaan gacan weyn ka geysteen.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn, labada Masuul ayuu Madaxweynuhu mid kasta kala hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya.

    Madaxweyne Famaajo waxa uu la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya iyo Burundi ay isdhaafsi ganacsi samaystaan. Mudane Sindimwo ayaa sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxda Afrika uu la kulmay ay isku afgarteen in Ciidamada Soomaaliya la taageero.

    Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ku casumay Madaxweyne Farmaajo shir bisha Abriil ee sannadkan ka dhici doona Burundi, oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Ururka COMESA, Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaaddaas.Image may contain: 1 person

    Image may contain: 6 people, people sitting, table, screen, office and indoor

    Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, indoor

     

    Adis Farmajo IGAD Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXafladii Xil wareejinta Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka bilaabatay Xarunta Dowladda hoose
    Next Article Taliyihii ciidamada dowladda ee Aagga Buurhakaba oo lagu dilay Weerar Alshabaab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo