Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan degdeg maanta Muqdisho kula yeeshay taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda, Millitariga iyo Booliska.
Kulankan oo ahaa kii labaad oo dhex mara taliyeyaasha iyo madaxweynaha ayaa ku saabsanaa dhadooyin amni darro ah oo Muqdisho saameyn weyn ku yeeshay maalmihii ugu danbeeyay iyo sida wax looga qaban karo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladd ammaanka Muqdisho iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu dilay dadweyne kala duwan, oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne ka dalbaday taliska, milateriga inay soo qabtaan askari qof shacab oo gaari watay ku dilay shalay agagaarka KM5, kadibna baxsaday muwaadinkaasi oo Allaha u naxariistee lagu magacaabi jiray Cabdisalaam Daahir Maxamuud.
Wuxuuna amar ku bixiyay in Booliska iyo milateriga iska kaashadaan in askrigaasi cadaaladda la horkeeno muddo 24 saacadood gudahood ah. Waxaa kaloo warbixin laga sugayaa taliyaha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir oo ku saabsan sida ay uga hortegi lahaayeen xaaladda ammandarro ee Caasimadda.
Wadani.com