Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta tegay Xerada tababarka ciidanka ee Cero Agoon.
Xeradan oo ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu tababarraa ciidamada xoogga dalka qeyb ka mida, iyadoo hadda ay ku jiraan ciidamo kumaandoos ah oo tababar uga socda.
Madaxweyne farmaajo ayaa kormeeyay xerada isagoo khudbad u jeediyay ciidamada xerada ku jira iyo kuwa tababarka u socdo, waxaana kormeerka ku wehliyay wasiiro iyo saraakiil katirsan ciidamada xoogga.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa maanta loo xiray kormeerka madaxweynaha iyadoo si weyn looga dareemay caasimadda arrintan oo ku soo beegtay maalin Sabti ah.