Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYL.
Madaxweynaha waxaa wehlisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiija Maxamed Diriye, taliyeyaasha ciidamada Qalaba sida iyo xubno ka tirsan labada Gole, waxaana la camiray Taallada SYL oo sanad kasta xilligan oo kale dayactir lagu sameeyo, iyadoo maanta ay ku beegneyd xuska aasaaska ururkii dhalinyarrada Soomaaliyeed ee SYL.
SAWIRRADA






