Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 10
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxaad ka taqaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Somalia Dr. Nuur Fuursade.? [Akhriso taariikhdiiisa]

    Maxaad ka taqaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Somalia Dr. Nuur Fuursade.? [Akhriso taariikhdiiisa]

    May 15, 2019Updated:May 15, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Maajo, 2019 u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) oo noqonaya agaasimihii Afraad ee xilkaasi qabta intii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo.

    Haddaba hoos ka akhriso Taariikh nololeedkisa

    Dr. Nuur Diiriye Hersi (Fuursade), wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, sanadkii 1952dii. Wuxuu tacliinta Hoose iyo xifdinta Qur’aanka ku bartay isla magaaladii uu ku dhashay. Waxbarshada Dhexe iyo Sare waxa uu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

    Wuxuu ahaa kamid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee loo qaatay kulliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda sanadkii 1973-dii isaga oo kaga qalin jabiyay Shahaadada Darajada Koowaad ee Jaamacadda 1978-dii.

    Waxaa isla 1978-dii loo qaatay inuu Bare-kaaliye ka noqdo Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

    Shahaadada labaad (Masters) wuxuu ka diyaariyay Jaamacadda Missouri ee dalka Mareykanka sanadku markii uu ahaa 1983-dii, isaga oo ku diyaariyay Mechanical Engirineering. 1987-dii wuxuu ka qaatay Shahaadada Phd ee culuumta Injineeriyada isla Jaamacadda Misouri. Isla sanadkaas wuxuu noqday Madaxa Waaxda ICT-ga iyo Bare ka tirsan Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda.

    Wuxuu aasaasay 1987-dii Shirkad la yiraahdo Fuursade Engineering and Computer Services oo ahayd tii ugu horreysay ee si gaar ah looga barto culuumta Kumbuyuutarka, waxaana ka aflaxay arday badan oo xilliyadaas ku hana qaaday barasha cilmiga Kumyuutarka.

    Wuxuu dabayaaqadii 1990-kii u wareegay dalka Canada halkaas oo uu ka noqday La-taliye dhinaca culuumta Kumbiyuutarka ah, wuxuuna ka dhaqangeliyay magaalada Toronto Dugsi lagu barto softwares-ka. Waxaa intaas dheer inuu Prof Fuursade isla Canada kasii waday xirfaddiisa macallinimada iyo la-talinta culuumta ICT-ga.

    Sanadkii 2004 wuxuu Bare ka noqday Jaamacadda UAE ee magaalada Al Ceyn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

    2007 wuxuu ku laabtay dalka Canada isaga oo ku biiray macallimiinta Koleejka Seneca ee magaalada Toronto, isaga oo dib u bilaabay hawlaha tala-bixinta, gaar ahaan cilmiga xog-dhigista (Database).

    2014 wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo shaqooyin tala-bixin ah siiyay shirkado iyo Jaamacado ka hawl-gala Soomaaliya.

    Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo saaxiib dhow la noqday Madaxweynaha oo u magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

    Agaasimaha madaxtooyada Agaasime cusub Dr. Nuur Diiriye Fuursade Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada & Xil ka qaadis lagu sameeyay…
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Taallada SYL u tegay xuska maalinta Dhalinyaradda. [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo