Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay shirkii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya isagoo ku lebisan dareyska ciidamada xoogga dalka.
Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo xirtay dharka milateiga isla markaana guddoominaya shirka, halkaasoo uu ka sheegay inuu xilkii ka qaaday taliyeyaasha ciidamada, isla markaana magacaabay taliyeyaal cusub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo magacaabay guddoomiye cusub, waxaana uu markaasi kadib ku laabtay xaruntiisa Villa Somaila, halkaasoo uu kaga dhawaaqay xaalad dagaal.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta qaaday tallaabooyin waaweyn oo magcaabis iyo go’aano adag isugu jira, waxaana uu isu bedelay milateri.
Wadani.com