Wararka laga helayo saraakiisha Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dib u dhigay socdaal la qorsheeyya inuu maanta ku aado dalka Qatar.
Arrintan ayaa ka danbeysay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay baarlamaanka Soomaaliya iyo mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xiisad ka dhalatay loogu baaqay madaxweynaha inuu wax ka qabto.
Madaxweynaha ayaa ku qancay tallooyin la siiyey oo ku saabsanaa inaysan munaasib ahayn inuu xilligan safar uga baxdo dalka, iyadoo lagu wado inuu markii ugu horeysay kulamo la yeesho dhinacyada iska horjeeda ee xildhibaannada Baarlamaanka.
Madaxweyne oo xilligan xafiiskliisa u raray, kuna shaqeeya Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan weli ka hadlin khilaafka hareeyay hay’adaha fulinta iyo Baarlamaanka dowladda Soomaaliya, waxaana xildhibanno haween ah oo uu qaabilay shalay ay soo kordhiyeen xog cusub oo ah in madaxweynuhu u muuqday nin ku qanacsan mooshinka laga keenay Jawaari, iyagoo ka deyriyey inuu madaxweynuhu xaaladda taagan wax ka qaban karo.